Ra’iisul Wasaarihii hore oo olole kawada Magalada Neyroobi iyo kulan uu la qaatay Madax ka tirsan Kenya
Waxaa aad loo hadal hayay saacadihii lasoo dhaafay, qoraal ay soo dhigtay Senotor Falxado oo ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo Munica Juma oo ah wasiirka gaashaan dhiga Kenya horayna usoo qabatay xilka wasiirka arimaha dibadda Kenya.
Qoraalka ayaa ku qotoma kulan ay yeesheen ra’iisul wasaarihii hore ee ay xildhibaanadda kalsoonida kala laabteen Xasan Kheyre, madaxweynaha kenya iyo xubno kooban oo katirsan xildhibaanada Kenya sidoo kalana masuuliyiinta nabadsugida Kenya ay goob joog ka ahaayeen kulanka.
Xildhibaanada ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in Kheyre oo mar soo ahaa Ra’isul wasaare kalsoonidana kala laabteen baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo kaalma weydiistay Dowlada Kenya iyo in ay garab istaag dhankasta ah.
Sidoo kale Kheyre ayaa sheegay in uu Kiiska Badda ku xalin doono is afgarad, taasoo la micna ah in maxkamada cadaalada Aduunka ee ICJ, in uu kasoo celin doono, uuna xoojin doono xiriirka labada dal, waa sida ay barteeda Facebook ga ku qortay Xildhibaan Falxado.
Culeys iyo cadaadis kadib xildhibaan Falxado waa ay ka saartay qoraalkii ay soo dhigtay, Sida ay Sareeye FM xogta ku ogaatay waxaa jirta in kulanka ahaa qarsoodi loona diiday saxaafada, balse xildhibaanad aheyd goob joog ama ka qeyb gale, kadibna Xildhibaan Falxado kusoo dhigtay si lama filaan ah.
Durba waxaa falcelin ka sameeyay shacab badan oo dareen ku muujiyay aragtidooda ku aadan xoogga xildhibaan Falxado, waxaana arrintan ka carooday sirdoonka dowlada Kenya, waxaana suurtagal ah ayaa la leeyahay in xildhibaanada looga yeero xarunta nabadsugida Kenya,si wax looga weydiiyo sababaha ku kalifay in ay baahiso sawiro iyo xog ku saabsan kulanka qarsoodiga ahaa.
Kulanka oo uu si cad kheyre kaalmo iyo garab istaag u weydiistay madaxweynaha kenya uhuru Kenyatta iyo dowldiisaba ayaa aad looga hadal hayay baraha bulshada.
Xasan Cali Khayre oo u muuqda mid sharaf iyo sumacad ku leh Bulshada Soomaaliyeed ayaa hada madaxda Kenya iyo Mucaaradka Garab waydisanaya, asagoo dantiisa gaar ah fiirsanayso, iyo danaha Kenya ka leedahay Soomaaliya.