Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Ururada Bulshada Rayidka iyo Culumaa’udiinka ku dhaqan Caasimada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan wadatashi ah oo ku addan doorashooyinka la qaatay ururrada Bulshada Rayidka ah iyo culima’udiinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimada.

Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee urrurada Bulshada, Culima’udiinka iyo dowladda, ayaa isla markaana looga wadatashanayay tallooyinkooda ku addan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada rayidka ah iyo culima’udiinka warbixin faah faahsan ka siiyey dadaallada xukuumadda ee ku addan qabsoomidda doorasho xasilloon, isagoona sheegay in booqashooyinkii uu ku tagey Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ujeedkoodu ahaa sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

Gudoomiyaha Uruurka Bulshada rayidka ee Cusmaan Muxyadiin Shaatax oo ka hadlay kulan kaasi ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha isla meel dhigeen dhowr qodob , islamarkana sheegay in Doorashada ay ku dhacdo Jawi nabdoon, ayadoo laga dheeraanayo wax walba oo dalka u keeni kara xasilooni darro.

Gaba gabada shirka ayaa la isla qaatay in doorashada ay sal dhig u tahay heshiiskii 17kii September, ee ka dhacay Caasimada, kaasi oo ay saxiixeen Maamul Gobaleedyada, waxaana wali ka caga jiidaya Maamulada jubaaland iyo Putlaand in ay soo Magacabaan Gudiyada Doorashada, kuwaasi oo taako ku noqday in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda