Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay shir uu layeeshay Midowga Yurub

Dowalda Federaalka Soomaliya ayaa kulan wada xaajood ah kula yeeshay Midowga Yurub Magalada Muqdisho, aydoo kulankaasi uu shir gudoominayey Raysaal wasaaraha Soomaliya maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Rooble ayaa soo dhaweeyay wafdiga midowga Yurub, lana wadaagay muhiimmadda Soomaaliya u leedayahay xiriirka kala dhexeeya Midowga Yurub.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa Xirrika ka dhexeeyo Midowaga Yurub iyo Soomaaliya, islamarkaana kulankaani ayaa diirada lagu saaray xaalada dalka uu marayo, aydoo Xukumada Rooble ay horyaalaan in wadanka ay gaarsiiso Doorsho xor iyo xaalal ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa isku afgartay qabashada shir amniga la xiriira oo ku dhici doona qaab fogaan arag ah, ayna isla guddoomin doonaan DFS, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, shirkaas oo dhici doona 30-ka November 2020.

Gunaanadkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay dib u habeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga iyadoo Midowga Yurubna uu xaqiijiyay sida uu ugu heellan yahay ka qeyb qaadashada dadaallada qaran dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka guddoomiyay ka sokow, waxaa DFS shirka uga qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga , Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka Midowga Yurub waxaa hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ay wehliyeen Safiirrada Jarmalka, Finland, Spain, Italy, Sweden, Denmark iyo Ireland.

Isku soowada duuboo kulankaani ayaa wuxuu qayb kanoqonayaa dadaalada ay wado Xukumada Rooble, ayadoo wadanka uu isku diyaarinayo in ay ka dhcdoo Doorasho horaanta sanada 2021da, islamarkana lagarabo in Xukumada Ra’iisul waasare Rooble ay xooga saarto Arimaha Amniga Dhaaqalaha iyo wax sooraarka dalka.