Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo u jawaabay hadal ka soo yeeray dhawaan Masuul ka tirsan Kenya

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka hadlayay munaasabadda daahfurka iyo aaladeynta Manhajka Qaranka ayaa u jawaabay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto kaas oo dhowaan sheegay in kenya ay ka shaqeyn doonto in ay soo saarto dooroshada soo socota musharax u fuliya danahooda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii dadka soomaaliyeed la marin habaabin jiray, waxuuna kenya iyo dalalka kale ee ku howlan faragelinta dooroshooyinka dalka uga diggay in ay qalalaaso ku furaan dooroshooyinka iyaga oo adeegsanaya siyaasiyiin daneystayaal ah.

Mudane Mahdi waxa uu sidoo kale tilmaamay in madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka u jiheeyay hanaan doorosho oo la isku waafaqsan yahay.

Hadalka Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ku soo beegmay xilli Ra’iisul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble uu u sheegay mucaaradka in aysan ka welwelin dooroshada ayna u soo diyaargaroobaan Tartanka.