Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay Gudiga Doorashooyinka iyo Gudiga Khilaafdaka ee heer Federaal

Waaxaa xalay beenoobay eedeyntii ay xubno kamid ah siyaasiyiinta, kuwaas oo ay ku jiraan madax horey xilal uga soo qabtay dalka, islamarkana dowladda faderaalka Soomaliya ku eedeynayey in ay Dooneyso muddo kordhin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka soomaaliyeed horey uga balanqaaday in ay doorashada waqtigeeda ku dhaceyso, taas oo cadeyn u ah magacaabista guddiga dooroshooyinka iyo xalinta khilaafaadka oo uu xalay magacaabay ra’iisul wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Xubno ka mid ah Siyaasiyiita oo mar kaste laablakac wax ugu sheega shacabka soomaaliyeed ayay falaar ku noqotay magacaabista guddiggan oo ka shaqeynaya dooroshooyinka dalka.

Damaca Kenya,Imaaraadka iyo siyaasiyiinta ay taageerayaan ayay tani ku noqotay fajac iyaga oo dowlad goboleedyada qaarkood sida Puntland iyo Juballand ay uga hor imaan lahaayeen geedi socodka dooroshooyinka si eed loogu jeediyo dowladda faderaalka Soomaliya, taas oo ah in ay ka gaabisay doorosho waqtigeeda ku dhacda.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayay ka go’an tahay xaqiijinta iyo oofinta balanta uu ka qaaday shacabka soomaaliyeed taas oo ah in la qabto doorosho xor iyo xalaal ah, islamarkana waqtigeeda ku dhacda.

Guddigga xalay lagu dhawaaqay ayuu ra’iisul Wasaare Rooble faray in ay durba guda galaan waajibaadka loo idmday, kaasi oo ah in ay si hufan uga shaqeeyan Arimaha Doorashooyinka