Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Bulshada ugu baaqay in la garab istaago dadka la nool Xanuunka dhimirka

Waxaa jira dad badan oo la xanuunsanaya xanuunka dhimirka, kuwaasi oo inta badan aan helin daryeelka ku aadan xaladooda nololayd.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuuseen Rooble ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in ay caawiyaan walalahooda aan haysan cafimaaadka, asagoo ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan dadka qaba xanuunka Dhimirka.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo dadkeenna la nool xanuunnada dhimirka.

“Kumannaan bulshadeenna ka mid ah ayaa la nool xanuunnada dhimirka, kuwaas oo inooga baahan daryeel iyo damqasho gaar ah. Waxaan xil gaar ah iska saareynaa daryeelka dadkeenna dhimirka ka xanuunsan iyo u helista xarumo lagu daryeelo.” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale Rooble ayaa kulan la qaatay Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo si gaar ah daryeel ugu fidiya dadka qaba Xanuunada dhimirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kaga mahad celiyey shaqada adag oo uu u hayo Bulshada, asagoo sheegay in Xarumo cusub ay u furi doonaan dadka dariska la ah Xanuunada Dhimirka.