Ra’iisul Wasaaraha Rooble oo kulan laqatay Safiirka Wadanka Turkiga u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xawfiiskiisa ku qaabilay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya ee Mehmet Yilmaz, waxeyna labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada dal ka dhaxeeya.
Dowladda Turkiga waxey ballan qaaday iney sii xoojin doonto taageerada aan shuruudda ku xirneyn oo ay la garab taagan yahiin dhigooda Soomaaliya.
Dowlada Turkiga ayaa kamid ah Saaxibada Soomaaliya waxayna ka taageertaa dhinacyo badan sida tabarka Ciidamda Xooga dalka ayadoo ku leh Magalada Muqdisho xerada ugu wayn Africa ee Turki SOM.
Sidee kale waxay Soomaaliya ka taageertaa dhinayc badan oo mashariic kale Duwan ah, kuwaasi oo bulshada Caasimada Muhiim u ah.
Ra’iisul wasaare Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagan yahiin shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay ineysan marnaba iloobi doonin abaalka ay dowladda Turkiga u gashay shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay qeyb weyn uga qaateen hormarka Dowladda.
“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, waxaan uga mahad celineynaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Kulanka labada Masuul ayaa tabanayey xiriirka labada dal kaasi oo siwayn looga dareemayo is dhexelka laba bulsho ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Dad badan oo Soomaali ah ayaa ganacsiyo kala duwan ku leh wadanka Turkiga, waxuuna noqday wadanka labaad ee Soomalida