Ra’iisul waasaraha Soomaaliya oo warbixin ka siyaaey arimaha Doorashooyinka Soomaaliya Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay
Iyadoo Dalka ay ku soo food leedahy Doorasho horaanta Sanadka 2021-ka, ayaa waxaa Golaha Amaanka Qaramada Moddobay iyo Midowga Africa Faah- Faahin ka Siyaayey Arrimaha Doorashooyinka Ra’iisul Waasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo khudbad Dhinacyo badan taabaynaysay u Jeediyey ayaa sheegay In Xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin hirgelinta Arrimaha Doorashooyinka, isla markaana Sheegay in meel wanaagsan ay marayso Geedi socodka loogu jiro Hanaanka Doorshada.
Rooble ayaa intaasi ku daray in ay howlgaleen Guddiga ay Soo Magacabeen Qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada Iyo Guddiga heer faderaal.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa hoosta ka xariiqay in Doorka ay ku leeyihiin Siyaasada Haweenka Soomaaliyeed ay tahay Boqolkiiba Sodon(30%), islamarkana ay xaqiijin doonaan, si ay u helaan mataalad dhamaystiran.
Tan iyo markii lasoo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa waxaa muuqata in uu xil iska saaray heshiiskii ay galeen Dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah faderaalka, iydoo wali ay ka cago jiidayaan Maamulada Jubbaland iyo Putlaand.
Labada hogaamiye ee Axmed Madoobe iyo Siciid Dani ayaa wali ku adkaysanaya in aysan Soo dirsan Xubnihii ku matali lahaaa Guddiyada haatan ay u socdaan tababaro ku aadan sidii ay xil isaga saari lahaayeen dooorka ay ku leeyihiin Soo xulista Baarlamanka 11-naad.
Sida ku cad jadwalka Doorashooyinka ee ay soo saareen Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Faderaalka, waxaa ku xusan 1da ilaa 10 December in la doorto xubahaha Aqalka sare, iydoo ay naga xigto Desemaber hal Todobaad oo kaliya