QM oo warbixin Xasaasi ah kasoo saartay Xaalad kajirta Somalia.

Warbixin ka soo baxday xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadanimada ee OCHA, ayaa lagu sheegay in Malaayiin ruux oo Soomaali ah xilligaan ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimno oo dhameystiran.

OCHA ayaa shaaca ka qaaday in dad gaaraya 5.2 Milyan xilligan ay wajahayaan macluul baahsan, islamarkaana ay u baahan yihiin waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha aadanaha.

Sidoo kale OCHA ayaa warbixinta ay soo saartay ku sheegtay in 1.7 Milyan oo ruux oo ka mid ah dadkaasi ay ka barakiciyeen colaado, abaaro iyo fatahaado isbiirsaday.

OCHA oo xiganeysa hay’ada cunada aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano WFP ayaa sheegtay in dhul beereed gaaraya 70 kun oo hectar uu dhibaateeyey xayawaanka Ayaxa loo yaqaano oo magaalooyin fara badan deegaansaday tan iyo dhamaadkii 2019-kii, taasina ay dhibaato ku noqotay beeraleyda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn OCHA ayaa deeq bixiyeyaasha caalamka iyo dowlada Soomaaliyeed ugu baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmado dadkaasi dhibaateysan.