QM oo sheegtay in kenya ay been ka sheegtay muranka ay galisay badda soomaaliya

Guddiga Khuburada QM ee Soomaaliya oo soo saaray warbixintoodii sanadlaha ah ayaa sanadkan2019 shaaca ka qaaday in Kenya ay ka been sheegtay kiiska muranka ay galisay badda ay leedahay soomaaliya ee dacwadeedu ay hor taallo maxkamadda ICJ.

Guddiga ayaa sheegay in Kenya ay marin habaabisay shirkii ay dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum Geo ku qabteen magaalada London, 7-dii bishii Febraayo ee sanadka, kaasi oo lagu soo bandhigay xogta daraasad shidaal sahmin ah oo laga sameeyey xeebaha Soomaaliya.

Kenya ayaa toddobaad kadib shirkaas u yeertay safiirkeeda Soomaaliya lucas tumbo ayada oo ku dooday in dowladda Soomaaliya ay shirkaas ku xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku yaalla aagga gaarka ah ee dhaqaalaha Kenya ee afka qalaad lagu yiraahdo (Exclusive Economic Zone).

Si kastaba Guddiga Khuburada QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in xogta lagu soo bandhigay shirkaas aysan wax shaqo ah ku lahayn aag badeedka ay kenya muranka galisay.

Guddiga waxa uu sidoo kale sheegay in aan wax xirmooyin oo shidaal ah aan lagu xaraashin shirkaas sida ay Kenya sheegtay.

Warbixinta Guddiga ayaa meesha ka saareysa mid ka mid ah sababihii ay Kenya u adeegsatay in dagaal diblomaasiyadeed oo xooggan ay ku qaado Soomaaliya tan iyo bishii febraayo.

Xukuumadda Nairobi ayay khuburadu ku tilmaameen kuwa marin habaabiyay xogta ay kenya soo gudbisay iyo wax ay indhahoodu ku soo arkeen.

Dagaalka diploomaasiyadeed ee ay soo abaabushay kenya waxa uu indhaha caalamka tusay gardarada ay kenya ay ku heyso jamhuuriyadda faderaalka soomaaliya.

Guddiga QM ee khuburada ah ayaa xogtoodu ku xusay in soomaaliya ay keliya shirkii ka dhacay London uu ahaa sahan ay sameystay shirkada spectrum,balse aysan raad iyo midna ku laheyn marin habaabinta ay kenya adeegsatay ee ah in soomaaliya ay soo bandhigtay shidaal ku jira aag beenaadka ay kenya hadda sheeganeyso

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa marar badan horey ugu beenisay in xirmooyin shidaal ay xaraashtay, waxayna sidoo kale sheegtay in dhul badeedka sahminta laga sameeyey aanu ku jirin midka muranka ay galisay kenya ee dacwadeedu ay soomaaliya u gudbisay maxkamadda ICJ.