Qasaaro nafeed oo ka dhashay Dabeylo ka dhacay Xeebaha Dalkeena Somaliya
Wasiirka wasaarada gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumada Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse oo la hadlay warbaahinta Qarank ayaa sheegay inay Qasaare Nafeed iyo Mid hantiyadeed ay geysteen Mowjado dabeylo wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah Xeebaha dalkeyna Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay inay degaano dhowr ah oo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya ay daadad xoogani ka jireen, kuwaasi oo doonyo badweynta ay kula qalibmeen dadkii saarnaa, taasi oo ay dabeyluhu sababeen, dadka doonta saarnaa oo ahaa ill iyo 11 qof ayaa waxaa la helay 9qof halka labo qof ilaa iyo hada la’layahay nolol iyo geeri.
“Waxaa jiro qasaaro nafeed iyo mid maalba oo ay geysteen mowjadaha Dabeylo wato oo ka socdo dalka gaar ahaan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada dhexe, waxaana loo baahanyahay in la qaato fariimaha aan ka jeedineyno qataraha kusoo wajahay deegaanadaasi hase ahaatee waxaa kaloo loo baahanyahay in layska kaashado, wadajir sidii loogu wajahi lahaa ayuu yiri wasiir Xamsa Saciid Xamsa .
Sidoo kale Agaasimaha qeybta Maareynta Musiibooyinka ee Wasaarada gargaarka Soomaaliya ayaa sheegay inay jirto halis kale oo dhinaca bada ah , isaga oo xusay inay Digniin u dirayaan dadka ku nool degaanada ay halistu ka jirto loona baahanyahay in laga digtoonaado isla markaana ay ka dalbanayaan bulshada inay qaataan fariimaha digniinta ah ee Wasaaraddu bixineyso.
Dabaylahaan ayaa sababay roobka xagaaga oo wata dabaylo kuwaasi oo garaacaya xeebaha bada somaliya, ayagoo ugu damayn mawjadahaani qasaro naf iyo maalba gaystay, inta badan dadka ka hawl gala bada kuwaasi oo ugu horeeyaan kaluumaysatada ayaa dhibaato kala kulma marka lagaaro xiliyidaan oo kale.
ugu damabayn wasaarada maaraynta iyo musiibooyinka ayaa ugu dagaysa dadka dagan xeebaha in ay ka taxadaraan dhibatada ay sababeen mowdadaha ka dhashay bada