Qaraxyo xoogan oo ka dhacay Dalka lubnaan oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Qaraxa oo ka dhacay dekadda magaalada ayaa ruxay caasimadda oo dhan. Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah.

Cisbitaaladda ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada, waxaana qaraxa uu gebi ahaanba dhulka dhigay dhismayaal badan.

Weriye ka tirsan BBC-da oo goobta tegay ayaa sheegay in meydad badan oo halkaa yaallay iyo burburka dhismayaasha ay ka dhigeen dekadda magaaladaasi mid aan la geli karin.

Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi u ah Lubnaan, iyadoo dhaqaale xumida taagan ay sii kala fogeysay bulshada. Sidoo kale, Jimcaha ayaa la filayaa in maxkamad ay go’aan ka gaarto dilkii ra’iisal wasaarihii hore ee waddankaasi, Rafiiq Xariiri loo geystay 2005.

Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay tilmaamayaan in qaraxa uu ahaa shil ee aan si ula kac ah loo fulin.

Wasaraadda arimaha gudaha ayaa sheegtay in maadama ammonium nitrate ee sida weyn u qaraxda lagu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda.

Ra’iisal wasaare Xasan Diyaab ayaa qaraxa ku tilmaamay musiibo, waxaana uu wacad ku maray in lagula xisaabtami doono kuwa mas’uulka ka ah.

Waxa uu ka hadlay “makhaasiin khatar badan” oo dekadda ku yaallay tan iyo 2014, balse waxa uu intaa raaciyay in aanu ka hordhici doonin baaritaanka.

Mas’uul ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisa aanu wax lug ah ku lahayn qaraxa Beyrut.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaw halkii lagu beegsaday ra’iisal wasaarihii hore Rafiiq Xariiri oo 15 sano ka hor lagu dilay gaari waxlaha qarxa laga soo buuxiyay