Qaar katirsan Masuuliyiinta Maamulka Gooni u goosadka oo Boroor diiq u sameeyey Ciidamadii Ingriiska ee lagu dilay Dagaalkii koobaad ee Dunida

Siyaasiyiin ka tirsan Maamulka gooni u goosadka oo had iyo jeer ka soo horjeeda midnimada soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay Baroordiiq loo sameynayay Ciidamada ingiriiska ee lagu laayay dagaalkii 1-aad ee adduunka. taas oo ka dhacday Magaaladda Hargeysa ee xarunta Gobolka Waqooyi Galbeed.

Meesha ay ka dhaceysay baroordiiqda ayaa waxaa ku xardhanaaa Calaamada Kirishtaanka taas oo banaanka keentay in kaniisado ay ku yaalaan Magaalada Hargeysa.

Siyaasiga Feysal Cali Waraabe iyo Drs Edna Adan oo u oloaleeysa Maamulkaasi, ayaa ka mida ahaa dadkii ku sugnaa baroordiiqda loo sameynayay Ciidamada ingiriiska ee ku halaagsamay dagaalkii 1-aad ee Dunidda.

Muuqaalo iyo Masawiro laga soo qaaday goobta ay baroordiiqda ka socotay ayaa la arkay saraakiil Ingiriis ah iyo siyaasiyiin daneystayaal ah oo si qiiro ka muuqato u xusayay askarta ingiriirka ee lagu laayayay dagaalkaas.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad uga carooday in Calaamada Kirishtaanka lagu arko dhul ay ku weyn tahay Islaamka iyo in Maamulka Gooni u goosadka uusan ilaa hadda ka hadlin gefka ay siyaasiyiinta uu ka mida yahay Feysal Cali Waraabe kula kaceen Sharafka Diinteenna Islaamka, ayagoo ka duulaya in la ictiraafo.

Shaki badan ayaa ku jiray in ay Magaalada Hargeysa ku yaalaan goobo dadka aan islaamka aheyn ay cibaado beenaad u tagaan, waxaana xaruntan cadeysay in ay ka mid tahay meelaha Kirishtaanka uu ku Cibaadeysto.

Siyaasiyiinta Maamulka Gooni u goosadka ayaa had iyo jeer marin habaabiya shacabka Soomaaaliyeed ee ku nool Goboladaas iyaga oo dhagahooda ku shabaya waxaan jirin.

Tani waxay muujineysaa fashilka iyo daneysinimada ay siyaasiyiintaas ku hayaan shacabka midnimada jecel ee ku nool gobolada waqooyi.

Dhacdadaan ayaa noqonaysa mid taabanaysa dhaamaan Umada Muslimiinta ah, Gaar ahaan Soomaalida, islamarkana u baahan in ay ka hadlaan Culamada Soomaaliyeed, si aan u ilaashano Diinteena Islamaaka ee Suubaan