Qaar kamid Deegaano ka tirsan Maamulka Putlaand oo ay ku dhufteen Roob watay Duufaano
Waxaa qaybo kamid ah Maamulka Putlaand ku dhuftay roobab dabiilo watay, kuwaasi oo saamayn u gaystay Deegaano ka tirsan Maamulkaasi.
Dagamda Xaafuun iyo Deegaano hoostaga ayaa waxaa ka jiro xalaado, Bili aadanimo, kuwaasi oo saababay Roobab watay Duufaano, ayadoo shacabka ku dhaqan Xaafuun ay u baahan yihiin Gurmad dag dag ah, islamarkana ka samata bixiya dhibatada ay kala kulmeen Roobkii ka da’ay.
Dhanka kale Hogaamiyaha Putlaand Siciid Cabdullahi Dani ayaa ku mashaquulasan safaro iyo sidii uu u hagardaamayn lahaa Soomaaliya, ayadoo Xusid mudan in uu dayacay Masuuliyaadii ay u dhiibteen Shacabka ku dhaqan Maamulka Putlaand.
Siciid Dani ayaa kulamo kawada Kenya. Imaarasdka iyo Jabuuti, islamarkana ku mashquulsan, Doorashada Soomaaliya sidii ay u fara galin lahayeen Dowladaahaasi, waxana intaasi Dheer in uu kulamo kula qaatay Kenya iyo Imaaraadka Madaxda wadamaasi iyo sirdoknka u qaabilsan Arimaha Soomaaliya.
Sidoo kale waxuu inta uu ku sugnaa Imaraadka heshiis kula galay Sidii loogu wareejin lahaa Dakada Boosaaso shirkad ka diwaan Gashay, islamarkana laga leeyahay Abuu-dubay, taasi oo hada Maamusha Dekadaasi, waxaana lagu Magacaaba DP world.
Siciid Dani ayaa masuulayad iska saarin wax qabadka Shacabka Putlaand, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxwaynaha Maamulkaasi, waxuuna bilaabay ladagaalnaka Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.
Dani ayaa sidoo kale Soo Magacaabin Xubnihii kumatali lahaa Gudiyada Doorashooyinka, taasi oo horey heeshiis looga gaaray Arimaha Doorashada Soomaaliya