Qaar kamid ah Madax ugu sareysa Maamulka Gobalka Baandir oo xilalka laga qaaday

Iyadoo Afhayeenka Maamulka Gobalka Banadir Saalax Xasan Cumar uu sheegay in aysan waxba ka qaban karin Roobabka Dayrta ee ka da’ahay Caasimda Muqdsiho, ayaa waxaa soo ifbaxay in ay ku guul daraysteen wax ka qabasha Bilicda Muqdisho, taasi oo sabatay in ay Xilooda ku wayaan qaar kamid ah masuuliyinta ugu sareysa maamlka Gobalka banaadir.

Masuuliyiinta Xilka laga qaaday ayaa ka soo bixi wayey in shacabka ay u adeegaan, maadama laga qaado Canshuur, islamrkana ay xaq u leyiihiin in ay helaan wadooyin ka caagan Burbur, iyo biyo fariisi, balse badalkeeda waxay ku shaqastaan wadooyin aan Maasulayad la iska saarin, aydoo aad arkaysid qaar kamid ah baabuurta iyo bajaajyada oo isticmaalaya wadooyinka dhexmara xafadaha, taasina ay keentay wadooyinka oo an helin adeegyo dhamaystiran

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Faarmaajo ayaa dib u hayabn ku sameeyey Maamulka Gobalka Banaadir, kadib markii ay maareen waayeen Bilicda Caasiamda, aydoo maalmihii la soo dhaafay ay ka da’een roobab Ma hiigaan ah, kuwaasi oo samaayn ku yeeshay isku socodka Dadka iyo Gaadidka.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna ku-xigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Axmed Xasan Iiman, halka Cali Cabdi Wardheere loo Magacaabay ku xigeenka Amniga iyo Siyaadada Gobalka Banaadir.

Madaxweynaha oo sidoo kale tixraacaya, talo soojeedinta Golaha Xukuumadda iyo qorshaha Ra’iisul Wasaare Rooble ee la xiriira dardar gelinta howlaha bilic soocelinta Caasimadda ayaa u magacaabay Mudane Faarax Cabdi Diini Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Mudane Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Soo Magacaabistaan ayaa imaanaya kadib markii Ra’iisul waasre Rooble uu dhawaan faray Maamulka Gobalka Banaadir in ay ka shaqeeyaan adeegyada Bulshada Aas aasiga u ah, ismarkana ku adkeeyey Canshuurta laga qaado Bulshada in ay helaan badalkooda ama wax u dhigma.

Madaxda Xilka laga qaaday ayaa oofiin wayey amarka Ra’iisul waasare Rooble, aydoo ay jiraan in shacabka iyo Gawaariga ay dhib ku qabaan Wadooyinka Caasimada, kuwaasi oo qaar kamid ah biyo ka buxaan halka kuwa kalena aysan helin Dib u dacyactir tayeysan.

Si kastaba ha’ahaate Madaxwaynha ayaa faray dhaaman Masuuliyinta uu magaacabay in dag dag wax uga qabataan bilic soocelinta Caasimada iyo in ay u shaqeeyaan Bulshada si daacad iyo wadanimo ku dheehan tahay, islamrkana waxuu amaan u jeediyey Gudoomayashii hore ee xilkaan Soo hayey waqtiga ay u hureen u adeegida shacabka iyo dalka