Puntland oo markale ka hadashay in ciidamadii dhawaan u goostay Soomaaliland ay ahaa yeen saraakiil la ruqseeyay

Taliyaha guutada 26-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle) ayaa sheegay in maamulkoodu uu horay Shaqada ka fadhiisiyay Taliyihii watay ciidankii ku biiray Somaliland.

Maxamuud Gubadle ayaa sheegay in Gaashaanle dhexe Cali Diiriye Baalle la rusqeeyay bishii hore ee 11-aad, kadib markii uu sameeyay amar diido , iyo inuu Cali Baale soo xareeyo ciidamo uu watay, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay 23 Askari, si ay dowladu u diiwaan geliso kadibna u helaan tobabar.

Taliyaha ayaa sheegay in Sarkaalkaasi uu doonayay in uu lacag ku qaato ciidamo aan diiwaan-gashanayn, midaasi oo ku sheegay in Puntland aysan marnaba aqbaleyn in ciidamadeeda ay ka sii mid ahaadaan askar aan diiwaan-gashaneen.

“Ciidan haddaan la xaqiijin joogistiisa iyo tiradiisaba, maalinta uu dagaal dhaco ayaa la tabaa oo ceebtooda banaanka usoo baxdaa , Balse haddii la ogyahay tirada kuu joogta ciidamada, ciidan walba kaalintiisa ayaa muuqanaysa”.