Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ” kenya waxey Maleegeysa Shirqoolo Cusub”

MUQDISHO (SAREEYE FM 87.5 ) Prof Cabdi Ismaaciil oo Bare ka Ah Jaamacadda Minisota ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in Falalka Guracan ay Kenya ku sameyneyso Somaaliya ay Tahay Mid la Xiriirta Dacwadda Badda Oo Somaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga Ee Icj.

Waxaa uu Tilmaamay in Kenya ay Somaaliya Cadaadis ku saareyso ka laabashada Dacwadaas taasoo uu sheegay Markii dowladda Somaaliya ay diiday inay ka laabato Dacwadda Badda ay kordhisay Carqaladeynta ay ku heyso Somaaliya.Cod.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo sii Hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in Kenya Hadda ay Somaaliya Maleegeyso Shirqoolo Cusub kaas oo uu tibaaxay inay u adeegsan karto Ciidankeeda Jooga Somaaliya…Cod

Dhinaca kale Siyaasiga Faarax Macalin oo horayn u soo Noqday Gudoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa dowladda Kenya uga Digay in Carada ay u qabto Somaaliya eek ala dul dhacdo Somaalida ku nool Kenya.

Dowladda Kenya Kordhisay Cadaadiska ay ku heyso Somaaliya iyadoo Go’aankii ugu Dambeeyay Shalay ku Mamnuucday Badeecadaha aan cidna ee Somaalida leeyihiin kuwaas oo la geeyo Dalkeeda.