Odayaasha gaalkacyo oo sheegay in garoowe ay u siman yihiin guud ahaan shacabka puntland
Kulan deg deg ah oo ay magaalada Gaalkacyo goor dhaw ugu soo dhamaaday qaar kamid ah waxgaradka, Odayaasha dhaqanka ayaa lagu cambaareeyey talaabadii ay shalay Odayaal iyo maamulka gobalka Nugaal shir jaraa’id ugu qabteen Garoowe, oo ay ku dhaliileen mudanayaal katirsan baarlamaanka oo ka hadlay arrimaha kala dhaxeeya Xukuumadda.
Odayaashan ayaa sheegay in hadalkii kasoo yeeray Odayaasha dhaqanka ee Garoowe & maamulka gobalka Nugaal ay halis ku yihiin dawladnimada dalka, iyo caasumad in ay ahaato magaalada Garoowe.
Waxayna sheegeen in uu ahaa ficil ka aradan dawladnimada iyo mucaaradnimada u dhaxeysa golayaasha dawladda, iyagoo sheegay in Puntland oo dhan u siman tahay caasumada Puntland ee Garoowe.
Beesha Xildhibaanka ayaa waxay sheegtay in wixii dhib ah soo gaaray ay Uheystaan Madaxweyne Siciid Dani maadaama Hadalo Hanjabaad umuuqday uu ku hadlay madaxweynuhu ka hor inta uusan Maanta duhurkii ka bixin Fadhiga.
Odayaashu, waxay sheegeen in ficilada u dhaxeeya dawladda Puntland gudaheeda ay tahay wax iyaga u yaala oo aysan saameyn ku yeelan karin nidaamka dawladnimada, gaar ahaana qadiyadda ku saabsan lahaanshaha caasumada.