Ninki Muslimiinta ku laayay Newzealand oo maanta la xakumayo

Ninkan oo ka soo jeeda dalkaasi Australia ayaa horay u qirtay dambiga ah inuu dilay 51 qof, isagoo sidoo kalana isku dayay inuu weerarkiisa saddexaad ku dilo 40 qof oo kale.

Garsooraha ayaa ficilladiisa ku tilmaamay kuwa “bini’aadanimada ka baxsan” Waxa uuna intaasi ku daray inusan muujin “naxariis yar xitaa.”

Weerarkaasi ayaa ahaa mid dunida oo dhan ka argagaxday, kaasi oo dhacay 15-kii bishii Maarso ee sannadkii la soo dhaafay.

Weerarka ayaa waxa uu New Zealand u horseeday in la soo rogo sharci adag oo ka dhan ah hubka.

“Dambiyada waxay ahaayeen kuwa aad u xun oo xitaa haddii lagu xiro inta aad ka dhimanaysa aanan u dhigmin ciqaabtii loo baahnaa,” waxaa sidaasi sheege garsoore Cameron Mander oo xukunka riday.

Garsoore Mander ayaa muddo ku dhaw saacad xusuusinayay Tarrant qof walba oo uu dilay ama uu dhawaacay.

Waxaa uu intaa ku daray uusan ninkan muujin “in uu gef geystay amaba uusna dareemayn wax ceeb ah”.

Qareenadda Tarrant ayaanan ka so horjeedsan xukunka xabsi daa’inka ah ee lagu riday