Musharixiinta Mucaaraadka oo ka horyimid Go’aankii Dowlada Soomaaliya ay kaga cayrisay Dalkeeda Safiirkii Kenya u fadhiyey Soomaliya
Midawga Musharixiinta Mucaaradka ayaa ka horyimid Go’aankii Dowlada Soomaaliya ay ku cayrisay safiirkii Dowlada Kenya Lucus Tumbo, islamarkana arintaasi ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Musharixiinta Mucaaradka ayaa la saftay Kenya, waxayna Dowlada ku eedeeyeen in awooda Dowladnimada looga faa’iidaysano qaab qaldan, oo sharicyada ka baxsan.
War Saxaafadeed oo si wada jir ah u soo saareen Xubanaha Mucaaradka ayaa waxay ku cadeeyeen taageerinimada iyo Garab is taaga ay u muujinayaan, Xukumada Uhuuraha Kenya, islamarkana canbaareen iyo dhaleeceena u soo jeediyeen Jumhuuriyda Faderaalka Soomaaliya.
Xubanaha Mucaaradka oo inta badan laga soo abaabulay Caasimada Kenya ee Neyroobi, ayaa ku shaqeeya fikirka Kenyaatiga iyo danaha Dowladaha Shisheeye, kuwaasi oo hadya jeerba u taagan miji xaabinta qarinimada umada Soomaaliyeed.
Midowga Mucaaradka kama hadlaan dhibaatada ka tagaan Jubaalnd iyo qaar kamid ah Gobalada Dalka, taasi oo Ciidamada Kenya ay ka gaystaan Gabood falyo ka baxasan bili aadinimada.
Sidoo kale horaantii sanadii 2019ka Dowlada Kenya ayaa dalkeeda saacado gudahooda oga soo saartay danjirihii u fadhiyey dalkaasi Soomaaliya, kama hadlin Mucaaradka mana muujin go’aan kooda ku aadan Dowladaha shisheeye iyo Dalkooda hooyo, marka ay timaado arimaha noocaan oo kale ah.