Musharaxiinta Jubbaland Oo Edeyn Kulul U Jeediyay Axmed Madoobe
Mid ka mida Musharaxinta u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Jubbaland ayaa eedeyn kulul waxa uu u jeediyay Hogaamiyaha Maamulkaasi Axmed islam Axmed Madaabe
Dr Daqare oo ka mida Musharaxiinta u taagan qabashada xilka ugu sareya jubaland, ayaa sheegay in Maamulka Axmed Madoobe uu doonayo in dib loo dhigo doorashada Baaralmanka iyo Mida Maamulkaasiba waxa uuna cod dheer ku sheegay in hadii ay yihiin Xubnaha isbadal donka Jubbaland ay si adag ula xisaabtami doonaan Axmed Madoobe oo xitaa ay la tiigsan doonan Heer Maxkamadeed.
Siyaasiyiinta Iyo Masharaxiinta Jubbaland, ayaa waxa ay walaac xoog leh ka muujinayaan in six or iyo xalaal ah ay u dhacdo doorashada la filayo in Bisha August ay ka qabsoomto magalada Kismayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.