Mucaaradka Dowlada oo walaac ka muujinaya Doorashada soo socota ee sanada 2021da

Mucaraadka Dowlada ayaa wajahaya cabsi ay ka qabaan doorasha Soo socota ee horaanta sanada 2021da.
Mucaaradka oo isku biirsaday sidii ay u hagardaamayn lahaayeen Dowalda, ayaa diidan in dalka uu doorasho aado, isalamarkana waxay raadinaya sidii geedi socodka dalka meesha looga saari lahaa.
Xunbnaha Mucaaraadka oo garab ka helaya Dowladaha Shiisheeye ayaa isku raacay in ay ka soo horjeestaan Gudiyada Doorashooyinka, xili mar hore uu soo magacaabay Ra’iisul Waasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Xubnaha Mucaaradka oo ay ku jiraan madax Dalka xililka ugu sareeysa ka soo qabtay ayaa ka shaqaynaya Sidii dalka dib luugu celin lahaa kalkii shalay lagu kufay, taasi oo sababtay in dalkeena uu ka haro Dowladaha Dariska iyo Kuwa Caalaamka.
Muraadka ayaa garab ka helaya Dowlaha Kenya, imaraadka iyo Jabuuti, islamarkana raadinaya in wadanka uu galo qaalaase siyaadadeed, ayagoo Donaya dano isku wada mid ah, waxayna walaac iyo niyad jam ka mujinayaan Doorashada oo wali waqtigeeda wax ka harsan yihiin.
Mucaaradka ayaa horey dhagaha shacabka ugu shubi jiray in Dowladu raadinayso Mudo kordhin, islamrkana ay ka caga jiidayso in ay qabato Doorasho waqtigeeda ku dhacdo.
17kii Sebtember ee sanadkaan waxaa heshiis ku gaaray Magalada Muqdisho Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobaleedyada, iyo Gobalka Banaadir, aydoo la soo saaray habaraaca Doorashooyinka, islamarkana ay xukumada Ra’iisul waasar Rooble ay balan qaaday in ay ka shaqaynayaan Sidii ay ku dhici lahayd Doorasho xor iyo xaal ah, aydoo lagu qabanayo waqtigeeda