Muxuu salka ku hayaa qilaafka u dhaxeeya Puntland iyo Federalka

Puntland ma waxey dooneysaa in loola dhaqmo sida dal madax banaan iyadoo maamul goboleed ah .
Maxaa diiday in putland daacad u noqoto sida maamulada koonfur galbeed , hirshabelle , iyo gamudug oo si wanagsan ula shqqeaaya Dowlada federalka .
Ma la is oran karaa hadalada kasoo yeera madaxweyne Deni asaga iyo wasiiradiisa kuwa baal baarsan nidaamka fderalismka ay soomaliya qaaddatay , sida ereyada ah dowlada putland iyo dalka puntald .


Bishii jully 10-keedii 2019 ayaa raisal-wasaraha Somaaliya xasan ali kheyre booqday magalada gaalkacyo dhinaceeda waqooyi maadaamada safar la xiriira dhismaha maamulka galmudug uu u joogay dhinaca koonfured ee magalada gaalkacyo .


Kheyre ayaa u jeedkiisa kaliya ahaa inuu la kulmo shacabka waqooyiga gaalkacyo maadaama magaaladu hal magaalo tahay oo howlo shaqo u jooga dhinaca koonfureed ee magalada gaalkacyo , waxaa qasab notay inuu la kulmo labada shacabka ee Puntland iyo Galmudg .
Puntland ayaa ka war heshay kulanka laba shacabka iyo raisal wasaaraha ayadoo soo dirtay 3 wasiir iyagoo ka codsaday in raisal wasaaraha lagu soo dhaweeyo jadwal aysan ku jirin la kulanka shacabka waxaana taa ay u badaleen la kulanka raisal-wasaaraha iyo isimada .


Raisal-wasaare kheyre waa uu ku gacan seeray , waxaa uuna sheegay in qorshaha safarkiisa uusun ku jirin putnland oo uu arrimo shaqo u jogo galmudg balse lakulanka shacabka ay tahay mid aan laga fursan Karin .
Raisal-wasaare kheyre waxaa uu la kulmay shacabka reer gaalkacyo ee dhinaca waqooyi ee Puntland waxaa uuna garoonka kubada cagta ee cawaale uu kula kulmay dhalinyaro reer gaalkacyo ah oo si maamuus leh u soo dhaweeyay , waxaa uuna shacabka iyo dhalinyarada gaalkacyo u balan qaaday inuu dhameestiri doono garoonka kubada cagta ee cawaale kaaso ay ka dhineeyd dhameestirkiisa lacag $150,000.

Intaasi ka dib waxaa soo ifbaxay muranka u dhaxeeya dowlada federalka iyo Maamulk Putnlad oo horay u aheyd mid qarsoon .
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen wasiirkadii la diray ayey ku sheegeen in raisal wasare kheyre ku xadgudbay putland oo si amar la’aan ah ku soo galay dhulkeeda .


Hadaba su;aasha dad badan oo soomaliyeed ay is weydiinayaan ayaa ah kheyre ma xuduud kale ayuu ka talaabay sooma tagin dhul soomaliyed uu asaga raisal wasaare ka yahay .
Kheyre dhag qalaq umasiin wuxuuna ka dhabeeyay balanqaadkii uu shacabka reer gaalkacyo u balan qaaday inuu u dhameestirayo dhameestirka garoonka , wuxuuna garoonkaasi ku taageray lacag dhan 222 kun oo dolar .
Arintaa ayaa aad u damqisay puntland boogtii ku eheyd maamulka putland

Dad badan o reer putland ah ayaa kasoo horjeestay ficilkii ra’isal wasaare kheyre ee looga hor istagay putland dadkaan ayaa fikradahooda ku muujyay qaab qoraal ah iyo mid muuqaal ahba iyo mid saxafadeedba kasoo dastuurka putland faqradiisa 3-aad u ogalaanaya xuriyada hadalka taa badalkeeda waxey putland xir xirtay dad kasoo horjestay ficilka railsal wasaare kheyre ee looga hor istaagay gaalkacyo waxaana xabsiga loo taxaabay nabadoon cabdilahi maxamed jibriil oo ka id ahaa dadkii fikaradahooda muujiyay Sidoo kale wxaa xabsiga lo taxaabay wariyiihii muuqaalka ka duubay loo taxaabay .


Madaxweynaha putland saciid cabdulah Drni oo ka hadlayay xaflad lagu daahfurayay shirkad duulimaad ayaa ka digay in si qalad ah loo adeegsado waxa uu ugu yeeray in si qaldan loo adegsado dhalinyarada tasuu ula jeeday in dhalinyarada putland ay marin habaabineyso dowlada federlka .
Dowlda fderalka ee soomaliya oo ka duuleysa adeeg gaarsiinta dalka adeeg gaarsiinta dalka heer federal iyo heer maalulba waxey mar labaad lacag dhan 150 kun oo dollr ku taageertay dhismaha wadada boosaso , waxaana lacgtasi si toos ah loogu shubay akoonka gudiga dhismaha ee wadadsi .


Arrintaas ayaa mar kale putland kasoo horjeesatay waxaana xabsiga loo taxaabay xubnaha gudiga dhismaha oo kala ah nabadoon maxamed Ibrahim xaaji faarax , gudoomiyaha amal bank ee boosaaso maxamed faahiye iyo eng maalfo iyo macalin axmed oo isna xabsiga loo taxaabay isaga oo safar dibada ah ka yimid


Waxaa xariga gudigga dhismaha wadada boosaaso si weyn uga soo horjeestay shacabka putland gaar ahaa kuwa ku nool barri , waxaana mudaahardyo looga soo horjeedo xariga gudiga laguna taagerayo dowlada federlka ee Somaliya ay ka dhaxeeen magaalada carmo ee gobolka bari waxeyna shacabku wateen sawirada madaxwenah somliya iyo raisal wasaraha
Madaxweyne Deni waxaa uu iska indho tiray baaqyo ay soo jeediyeen in puntland ay soo daayaan xubnaha gudiga ee u xiran Deni , intaasi ka dib madaxweynaha dowlada somliya ayaa warqad furan oo si toos ah ugu socota maamulka puntland ayuu ugu baaqay in si shuruurd la’aan ah uu ku sii daayo xubnaha gudiga wadada boosaaso .


Balse badalkeeda xukuumada mr Deni oo sii wadata iska indha tirka baaqyada ay jeedinayaan dowlada iyo imimada putland waxey ku adkeesteen iney xabsiga ku hayaan masuuliyntaas
Xeer ilaaliyaha putland oo hadlay ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono dadkaa oo amarka madaxweyne farmaajo lagu deyn Karin

Isla sidoo kaleDeni mar uu ka hadalayay xaflad lagu dahfuraayey barnaamij wax barasho ayuu kasoo horjestay gudigii wada hadalada Somaliland iyo somaliya ay dowlada federlka magacowday , wuxuuna sheegay in xilkaasi aysan u qalmin masuuliyiintii loo magacaabay , waxaana asagoo hadlkiisa sii wata uu u digay marlabaaad dad uu ku sheegay ineey ka shaqeenayaan daminta putland ayagoo adeegsaan facebook

Hadalkiis ka dib waxaa soo baxay dhalinyaro reer puntland ah oo shegaya in madaxweyne Deni iyo xukuumadiisu ay u baacsaneyso postiyo ay facebook soo dhigeen dhaliyarada oo ay ku tageyrayaan dowlada soomaaliya ,

waxaana dadkaasi ku jiray suxufiin maqaalo ku qoray bogaga ay baraha bulsada ku leeyihiin taaso markii dabe keentay in loo hanjabo
Ugu dabeyn lama garanayo halka ay caga dhigan doonto dabeeysha siyaasadeed ee ka dhaxeysa maamulka putland iyo dowlada federalka balse waxaa jira wali baaqyo ay dirayaan isimada iyo wax garadka putland oo looga codsanyo madaxweyne Deni inuu siidaaayo dadka u xir xiran madaxweyne Deni inuu xaalada dajiyo oo si hoose loo dhameeyo qilaafka kala dhaxeeyo dowlada ,masuuliyintas u xirana uu xuriyadooda siiyo
Blasé madaxweyne Deni waxba kama soo naasa cada . waxaa uuna ku sii adkeysanayaa go’aankiisa

W/Q : Cabdulaahi Bakeeyle

SAREEYE FM 87.5MHZ