Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukunno ku ridday Saraakiil ka tirsan Wasaaradaha XFS
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markale xukunno adag ku riday mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomalaiya, kuwaas oo lagu helay xatooyada Xoolo dadweyne
Xukunka ay ridday maxkamadda ayaa isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed, kadib markii xubnahaas oo ka kala tirsan wasaaradaha Warfaafinta, Kalluumeysiga, Maaliyadda iyo milkiiliyaal shirkadeed lagu helay masuq ay sameeyeen, sida ay sheegtay maxkamaddu.
Aweys Xasan Cumar, oo ah xisaabiye ka tirsan waaxda maaliyadda wasaaradda warfaafinta ayaa maxkamaddu ku xukuntay hal sano iyo 6 bilood xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 255,25,000 oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta $ 1,183 USD.
Khadar Aweys Xasan, waxaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 295,25,000 oo Shillin Soomaali ah oo lamid ah $ 1,183 USD.
Guuleed Ibraahim Maxamed, oo ah agaasimaha waaxda Maaliyadda wasaaradda Kalluumeysiga waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 59,173,000 oo Shillin Soomaali ah oo u dhiganta $137, 907 USD.
Cali Sheekh Doon Cabdi, oo ah madaxa hubinta xafiiska Xisaabiyaha guud ee dowladda federaalka waxay maxkamaddu ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 88,725,000 oo Shillin Soomaali ah isla markaana $3,549 USD, sidoo kale waxaa lagu amray in qasnadda dowladda ku soo celiyo $58,555 USD oo ah lacagtii uu lunsaday.