Maxay Kenya ay u daneeneyso In Dacwadda Badda Ee Somaaliya wadahadal lagu dhameeyo ?

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ee ka dhashay muranka xudduuda Badda ayaa weli taagan. Balse dad badan oo arrimaha siyaasadda ee gobolka Geeska Afrika ku taqasusay ayaa qaabab kala duwan wax oga qoray arrinta.

Go’aankii Kenya ee dhawaan ay dal ku-galka ugu diiday Saraakiisha Soomaaliya iyo in xannibaado dheeraad ah ay ku soo rogtay dadka Soomaalida ah, waxaa ka dhalan kara in ay dib u soo ifbaxaan dhaawacyo bogsaday oo ku saabsan kala shakiga u dhaxeeya Nairobi iyo Mogadisho.

Taariikhda labada dal ee dariska ah ee imika ku muransan badda ayaa sii huriyay khaladaad siyaasadeed iyo mid militari, taasi oo sii murjinaysa kala shakigii u dhaxeeyay labada shacab.

Iyada oo ay Kenya xaq u leedahay in ay meelmariso siyaasad kasta oo ay u aragto in ay lagama maarmaan u tahay siyaasaddeeda arrimaha dibadda, hadana tallaabooyiinkii ay ku bartilmaameedsanaysay Soomaaliya, sida in diyaaradaha Muqdisho ay ku hakadaan Wajeer iyo saraakiisha Soomaaliya ee loo diiday dal ku galka, waa mid muujinaysa inay ahayd fal-celin aan laga fikirin oo ahayd in Somaaliya ay diiday in ay kiiska kala so laabato maxkamada ICJ.

Go’aankii Soomaaliya ee ahaa in ay maxkamadda geyso kiis ka dhan ah Kenya ayaa tijaabo u ahaa xiriirka Nairobi iyo Mogadishu. Baaxadda arrintan ayaa u dhiganto dhaqdhaqaaqyadii mucaaradka ee 1960-maadkii ee degmooyiinkii la isku oran jiray NFD oo xilligaa doonayay in ay Soomaaliya ku biiraan.

Kenya ayaa kacdoonkaas uga jawaabtay si arxan daro iyo xoog ah taasi oo saamayntii ka dhalatay, illaa iyo imika gobolka laga dareemayo.

Balse waxyaabihii shaqeeyay qarnigii 19aad ma shaqayn karo qarniga 21aad.

Marka ay isku qabtaan laba Dal Xad Badeed Maxay Tahay Shuruucda Caalamka u Dajiyay Arintaas  Sidee Kenya u dooneysaa in loo wajaho Waakan Prof  Cabdi Ismaaciil Samatar oo Kamid ah Aqoonyahanada Somaaliyeed oo Arimahaas Sharxaya….

Waxay Kenya samaysay bishii aanu soo dhaafnay ee ahaa in ay dal ku-galka u diiday saraakiisha Soomaliya waxa uu ahaa gool ay Kenya iska dhalisay.

Kenya waxay hoy u tahay xarunta kali ah ee ay Qaramada Midoobey ku leedahay Afrika.

Pro Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegaya in Xeebaha Somaaliya ay kamid yihiin kuwa ugu kheyraadka Badan Xeebaha ku yaala wadamada Qaarada Africa sidaa Daraadeedna Kenya ay dooneyso Inay Daldalato kheyraadka dhex ceegaaga Biyaha Somaaliya…

SONY DSC

Khubarada ka Faalooda Siyaasada Geeska  ayaa sheegaya  in Siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ee ku wajahan Soomaaliya ay tahay in ay u eegtaa mel ka fog go’aanka ICJ, ayna ka fikirtaa sidii nabad loogu wada noolaan laha.