Maqaal: Kenya iyo Imaaraatka oo iska kaashanaya dagaalka ay kula jiraan soomaaliya
Diyaar garoow xoog leh ayaa ka socda magaalada Nairobi ee xarunta kenya kaas oo loogu diyaargaroobayo kulan dhexmari doona kenya,imaaraatka iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowlada.
Kulanka waxaa soo qabanqaabisay xukuumadda Nairobi waxaana maalgalinaya dowlada imaaraatka,ka qeybgalayaasha kulanka ayaa ka imaan doona soomaaliya waxaana lagu lafa guri doonaa mustaqbalka siyaasadeed ee soomaaliya.
Ujeedka ugu weyn ee ay kenya ka leedahay kulankan ayaa ah in dib loo soo celiyo kiiska dacwada ee hortaalla maxkamadda ICJ iyo in ciidamadoodu ay ku sii sugnaadaan soomaaliya.
Imaaraatka ayaa isaguna soo bandhigi doonaa qodobo ay ka mid yihiin in aan laga hor imaan heshiis beenaadyada uu la galay maamulada Somaliland iyo puntland iyo in meesha laga saaro dowlada turkiga oo saaxiib dhow la ah soomaaliya.
Siyaasaiyiinta mucaaradka ayaa la tagi doona Nairobi qodobo ay ka mid yihiin in laga taageero gacan ku dhigista hay’adaha dowlada,qarashaadka ku baxaya doorashada iyo in loo gado codadka xildhibaanada ee labada aqal ee baarlamaanka.
Hardanka muuqda ayaanana ku jirin dano ay shacabka soomaaliyeed ka helaan kulanka marka laga reebo dano gaar ah iyo ku xadgudubka qaranimadeena.
Siyaasiga Faarax Macallin oo aad uga hadla arrimaha gobolka, gaar ahaan kuwa Soomaalida ayaa boggiisa Twitter kusoo qoray ”Waxaa jira kulamo xooggan oo lagu samaynayo isbahaysi ka kooban Jabhada Tigreega, ONLF, Madobe-ha JL & Mucaaradka Somalia
”Waa ifafaale ku cusub siyaasadda Gobolka Geeska Afrika. Shaki la’aan Dowladda Kenya ayaa arrintan gadaal ka taagan.
Taageerada kenya iyo imaaraatka ay siinayaan siyaasinyiinta ay kula kulmayaaan nayroobi waxaa ku xiran shuruudo badan oo ay waajib tahay in loo fuliyo sida ay u doonayaan.
Dib u dhiska soomaaliya waxa uu soo maray dhowr marxalad oo dowladba dowladii ka danbeysay ay qabaneysay intii tabarteeda ah balse weli waxaan meesha ka bixin dhaqanka in taageero la weydiisto dalal cadow ku ah soomaaliya sida kenya iyo imaaraatka.
Kenya: waxa ay si aan ganbad laheyn muran u galisay baddeena oo aysan weli ka raali gelin soomaaliya dulmiga ay kula kacday sababteyna in maxkamadda cadaaladda aduunka ay soomaaliya dacwad ka furato.
Tii oo ay jirto siyaasiyiin magic iyo qiimo ku leh bulshada ayaa taageero u raadsanaya kenya si ay u gaaraan danahooda gaarka ah.
Imaaraatka:waxa uu colaad ka dhex huriyay dowlada faderaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah,isaga oo adeegsanaya hogaamiyayaasha dowlad goboleedayada qaarkood.
Waxaan shaki ku jirin in imaaraatku uu lacago badan ku bixinayo in aysan marnaba dib u midoobin jamhuuriyaddii soomaaliya ee 1960-kii,waxaana uu dhowr jeer soo faragaliyay wada-hadalada u socda dowlada faderaalka iyo maamulka Somaliland oo tabashooyin qaba.
Dagaal ganacsi ayuu imaaraatku kula jraa soomaaliya,waxaana tani ay bilaabatay markii warbaahinta caalamku ay baahiyeen in sanadaha dhow ay soomaaliya noqon doonta goob istaraatiiji u ah ganacsiga caalamka marka la eego istaraatiijiyada ay soomaaliya kaga taallo caalamka.
Waxa uu si baal marsan sharciga imaaraatku isku balariyay dekedaha boosaao iyo berbera oo ka mida dekedaha ugu istaraatiijisan ee sku yaalla soomaaliya.
Cidna ma oga waxa uu imaaraatku ka damacsan yahay dekedahan,waxaana difaac u ah siyaasiyiin uu lacago ku siiyo danta uu ka leeyahay soomaaliya.
Kuwa dhabarka innaga tooganaya ayay markasta siyaasiyiina soomaalida qaarkood u sacab tumaan si ay uga helaan dhaqaalo iyo awood maamul.
Siyaasi u damqo dalkaaga inta aadan hadhow ka qoomameyn?