Maqaal: Horumarka Jubaland yaa hor taagan?
Tan iyo bishii Agoosto shacabka jubaland waxa ay dhibbane u noqdeen rag ku loolamaya hogaaminta dowlad goboleedka jubaland taas oo hakad galisay howlihii ka soconayay jubaland.
Madaxweynihii waqtigiisu dhmaaday ee jubaland axmed maxamed islaam ayaa weli ka biyo diidan in dib loo furo doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda jubaland.
7-sanno ayuu soo hogaaminayay axmed madoobe jubaland ma jirto adeegy aas-aasi ah oo gaaray guud ahaan shacaka jubaland markal lala bar-bardhigi caburinta, jirdilka,dilalka qorsheynsan,xariga iyo kuwa kale oo shacabka iyo siyaasiyiinta ka argti duwan axmed madoobe lagula kacay.
In kastoo jubaland ay la mid tahay qaar ka mida dowlad goboleedyada aan ku shaqeyn caasimadahoodii rasmiga ahaa,haddana shacabka jubaland waxaa u dheer caburin iyo in aysan ka jirin awood qeybsi sax ah oo dadka reer jubaland ay ku qanacsan yihiin waa kan prof (ceen-ceen oo sharaxaya xuquuqda ka maqan qaar ka mida beelaha wada degga jubalalnd.
Nidaamka faderaalka oo ku dhisan nidaam ay dowlad goboleedyadu hoos imaanayaan dowlada faderaalka ayu axmed madoobe ka hor yimid isaga oo adeegsanaya ciidamada si gaar ah kaga amar qaata.
Keliya horumarka shacabka jubaland ma hortaagno axmed madoobe balse waxaa faragelin muuqata ku haya dowlada kenya oo uu saaxiib dhow la yahay hogaamiyihii hore ee jubalaland.
Beelaha wax isku darsaday ee wada deggan jubaland malahan matalaad sax ah oo ku aadan wax wada qeybisga ee ah sida ay ku dhisan tahay jubaland.
Bilowgii dhismaha jubaland ee sanadkii 2013-kii ayuu bilowday loolan adag taas oo u dhaxeysay hogaamiyihii ururka raaskambooni axmed maxamed islaam iyo barre aadan shire barre hiraale taas oo sababtay in dagaalo qaraar ay ka dhacaan kismaayo isla markaana ay dad badani ay ka barakaceen guryahoodii.
Dhowr marxalad oo ay soo martay jubaland weli axmed madoobe waa uu ka biyo diidan in uu aqbalo rabitaanka shacabka jubaland kuwaas oo tijaabiyay hogaaminta madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday ee jubalaland.
Jubaland waxa ay ka kooban tahay 3-gobol marka laga reebo jubadda dhexe oo ay gacanta ku hayaan al-shabaab ma jirto talaabo uu axmed madoobe qaaday 7-sanno oo uu hogaaminayay jubaland, su’aal badan ayayna dhalisay aamusnaanta axmed madoobe ee gobolka jubadda dhexe.
Jubbada hoose iyo gedo oo qeybo ka mid uu gaarayay maamulkii axmed madoobe ayay shacabka goboladaas ka soo horjeesteen maamulkii caburinta ee uu hogaaminayay axmed madoobe.
In kastoo uusan jirin tiro koob sax oo laga sameeyay dadka soomaaliyeed,haddana 71% ayaa lagu tiriyaa in dadka soomaaliyeed ay yihiin dhalinyaro.
Fursad noocee ah ayuu maamulkii axmed madoobe siiyay dhalinyarada jubaland dhinacyada ka qeybgalka siyaasadda,deeqaha waxbarasho,iyo fursadaha shaqo waa kan dr:mahad haashimi oo ah g/ku xigeenka dhalinyarada isbedel doonka jubaland.
Ilaalinta nabada ayay shacabka jubaland ka doorbideen iska horwareejinta maamulkii uu waqtigiisu dhamaaday ee jubaland kaas oo weli ku adkeysanaya sii wadida caburinta lagu waxgaradka,siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada jubaland.
Axmed madoobe keliya dhowr xaafadood oo ku yaalla kismaayo ayuu gaaraa taliskiisa waxaana si tartiib-tartiib ah u soo yaraaneysa kalsoonidii uu ka heystay shacabka jubaland.
Shacabka gobolka gedo dhowr jeer ayay mowqif cad ka istaageen maamulkii waqtigu ka dhamaaday ee axmed madoobe,waxaana ay sheegeen in aysan raali ka aheyn in hal gacan ay ku jirto jubaland.
Si la mida gobolka jubadda hoose shacabka ayaa aad deyriyay mamulkii hore,inkastoo ay adag tahay in shacabku ay muujiyaan dareenkooda sababa la xiriira cabsi gelin kaga imaaneysa ciidamo ka amar ka qaata axmed madoobe.
Isdoorashada muranka badan dhalisay ee bisha agoosto ka dhacday kismaayo taas oo 3-musharax ay sheegteen in ay wada yihiin madaxweynaha jubaland ayaa hakad galisay howlihii jubaland wallow magaaladu ay ku xoog badan yihiin ciidanka kenya iyo ciidamo si gaar ah kaga amar qaata axmed madoobe.
In ka badan 200-oo askari ayaa ka goosatay taliskii axmed madoobe ee gabalkiisu dhacay kuwaas oo isu dhiibay ciidanka xoogga dalka eek u sugan gobolka gedo,waxaana ay aheyd niyad jab kale oo soo gaaray axmed madoobe iyo dhowr shaqsi oo ay isku koox yihiin.
Isla axmed madoobe ayaa u arka talaabada ay ciidankaas isugu dhiibeen ciidanka xoogga dalka ay ka danbeeyeen c/rashiid maxamed xidig iyo c/naasir seeraar maax kuwaas oo iyaguna si wadajir ah u sheegtay in yihiin madaxweynaha jubaland.
Axmed Madoobe ayaana xiligani diyaariyey qorshe lagu weerarayo C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig.
Talaabadan ayaa loo arkaa mid kaga sii dari karta xaalada hadda ay ku jirto jubaland marka lalal barbardhigo loolanka siyaasadeed ee ka jira kismaayo.
Axmed madoobe ma wuxuu ka dhabeyn doonaan halkudhigiisii ahaa anigoo qori sitta ayaan soo galay kismaayo anigoo qori sita waan ka bixi doonaa…