Magaalada Marka oo ay ka socoto qabanqaabada soo dhaweeynta Madaxweynaha KGS

Qabanqaabada soo dhaweeynta Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa waxaa ay haatan ka socotaa Xarunta maamulka Degmada Marka,waxaana halkaas ku sugan Mas’uuliyiin kala duwan,Saraakiil Ciidan iyo qeybaha Bulshada.
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Safarka Madaxweynaha ee Marka ayaa waxaa waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,xubno kamid ah labada Golle ee Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Goobaha qaar ee magaalda ayaa waxaa lagu xardhay Sawiradda Madaxweynaha oo lafilayo in saacadaha soo aadan gaaro Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.


Safarka Madaxweeyne cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu ku tegayo Degmada Marka ayaa noqonaya kii ugu horeeyey tan iyo markii loo dooraty madaxweeyaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed