Magaalada Badhan oo laga dhigayo Caasimada labaad ee Puntland.

SANAAG – SAREEYE FM

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo kamid ah Ismada Dhaqanka ee Kasoo jeeda Bariga Gobolka Sanaag,  ayaa kahdalay masiirka shacabka daga gobolka sanaag 

Garaad Cabdullaahi  Wuxuu Puntland  ku Bogaadiyey Ciidamadii dhowaan kasoo baxay Somaliland oo La Qarameeyay, Wuxuuna sidoo kale    shacabka Gobolka sanaag uga mahad celiyey Talada midaysan ee ay Qaateen,  Wuxuuna xusay in Gobanimadu ay ku timaado dhiiga Ragga.

Dhinaca kale Garaad Cabdillaahi ayaa Puntland usoo jeediyey magaalada Badhan laga dhigo Caasimada labaad ee Puntland, wuxuuna sheegay inay noqon doonto Tallaabo siyaasi ah oo Meel-mar ah, Wuxuuna Xusay inay Jawaab ka Sugayaan Reer Puntland. Ugu dambayntii wuxuu Fariin gaar ah u diray Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi iyo Shacabka Maamulka