MADAXWEYNE MAXAMED CABDDILLAAHI FARMAAJO IYO DHIGIISA DALKA ERITERIA ISAIAS AFWERKI OO KU KULMAY ASMARA
Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki, waxayna labada Madaxweyne salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas.
Madaxweyna Farmaajo oo casuumaad rasmi ah oo qaadanaysa muddo labo maalmood ah ku joogaya Asmara ayaa la sheegay in wada-hadallada uu la leeyahay Madaxweyne Afwerki ay ku lafa-guri doonaan sidii loo dardargelin lahaa dhismaha hannaanka iskaashiga diblumaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee labada dal, kaas oo ay Madaxdu isku afgarteen bartamihii sanadkii 2018-kii.