madaxweyne (Lafta-gareen) Oo ku wajahan magaalada Marko…..
madaxweynaha maamulka koonfurgalbeed cabdi casiis xasan maxamed (lafta-gareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan magaalada marka ee gobalka shabeelada hoose
waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada marka iyadoo si weyn looga dareemayo Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha maamulka koonfur galbeed cabdicasiis (lafta-gareen)
madaxweynaha ayaana kulamo la qaadan doono masuuliyiinta,waxgaradka iyo sidoo kale siyaasiyiinta kusugan magaalada marka ee xarunta gobalka shabeelada hoose
madaxweyaha maamulka koonfurgalbeed cabdi casiis xasan maxamed (lafta-gareen) ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday safaro uu ku gaarayo qaar kamid ah deeganada uu ka arimiyo mamulkiisa