Madaxweyne Farmaajo oo noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee la kulma Boqorka cusub ee dalka Cumaan.
Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka boqortooyada Cumaan ayaa kulan la qaatay suldaanka cusub ee loo magacaabay dalkaas Sultan Haitham bin Taymur.
Madaxweyna Farmaajo ayaa u tagay dalkaas si uu uga qeybgalo tacsida geeridii kadiska aheyd eeku timid suldaankii ugu mudada dheeraa ee waddankaas ka talin jiray.
Farmaajo ayaa suldaan Haitham bin Taymur iyo qoyska boqortooyada cumaan uga tacsiyeyay geeridii ku timid isbuucii lasoo dhaafay suldaankii wadanka Cumaan Suldaan Qabuus bin Sacid.