madaxweyne farmaajo oo kulan muhiim ah iskug yeerary saraakiisha amniga

Kulanka madaxweynaha iyo saraakiisha amniga
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab.