Madaxweyne Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada oo u bilowday wajigii labaad shirka arrimaha doorashada
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa dib ugu bilowday wajigii labaad ee shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, kadib markii Sabtidii la soo dhaafay Baarlamaanka Labada Aqal ay ansixiyeen heshiiskii doorashooyinka Dalka.
Shirkan oo xalay u furmay Madaxda ayaa looga hadlayaa sameynta Guddiyada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, dejinta jadwalka doorashada, asteynta kuraasta deegaanada doorashada ka dhaceyso iyo arrimo kale oo la xiriira dooroshooyinka.
Shirkan ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda laga soo saaro qodobo ku saabsan jaangoynta doorashada iyo sidii qorshaha doorashada loo bilaabi lahaa horaanta bisha November sanadkan 2020 ka.
Sidoo kale waxaa qayb ka ah shirkaani in la dhiso Guddiga Xalinta Khilaafaadka, kaasi oo ay ku dareen Baarlamaanka Soomaaliya in la magacaabo,iyadoo Gudigaasi oo joogteen doono howlaha Doorashooyinka.
Waxaa jirta cabsi badan oo xildhibaanada ka qabaan doorashada kuraasta baarlamaanka, kuwaas oo raja kaqaba in dib loo soo doorto, waxay dadaal aan kala go’o laheyn galiyeen in loogu asteeyo deegaano ay is leeyihiin waad ku heli kartaan kursiga.
Arinkaasi waxaa aad ugu xumaaday oo kabdhiidhiyay shacabka qaar ee kuraastooda laga wareejiyay deeganadii ay deganaayeen, waxaase hada dhegta u taagantahay dadka daneynaya in ay ku soo biiraan baarlamaanka soo socda iyo kuwa xusul duubka ugu jira in ay soo laabtaan balase la arki doono halka xaalka ku biya shubto.