Madaxweyne Deni iyo Hogaamiyaha ahlu suna Macalin Maxamuud oo ku hishiiyay in la fashiliyo maamul goboleedka dowladda federalku ay ka waddo Galmudug.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, oo kulan qarsoodiya ku yeeshay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayaa ku heshiiyay in la fashiliyo doorashada qorshaysan in laga qabto maamulka Galmudug oo ay garwadeen y ka tahay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sida ilo’ xog-ogaal ah ay xaqiijiyeen Macallin Maxamuud oo todobaadkan safar aan la shaacin ku yimid magaalada Garoowe, ayaa xarunta madaxtooyada puntland kulan qarsoodiya kula yeeshay madaxweynaha Puntland, waxaana kulankaasi looga wada-hadlay laba qodob oo kala ah; in la fashiliyo qabsoomidda doorashada Galmudug ee Villa Somalia waddo iyo in la sameeyo isbaheysi ka dhan ah Ra,isul wasaare Khayre iyo madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan doorashada heer Federaal ee 2020/2021.
Kulanka labada mas’uul oo saacado badan qaatay, ayaa lagu gorfeeyay tallaabooyinka ay tahay in la qaado, si loo fashiliyo doorashada Xukuumadda Federaalku ka waddo Galmudug, waxaana ay markii dambe ku heshiiyeen in Ahlusunna qaaddacdo doorashada Galmudug,kuna baaqaan in dadka Reer Galmudug loo madax-banneeyo masiirkooda.
Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa Macallin Maxamuud ku daray is-bahaysi siyaasadeed oo ka dhan ahmadaxweyne Farmaajo iyo Ra,isul wasaare Khayre, kaasi oo ka kooban Madasha Xisbiga Muqdisho, Puntland, Jubbaland iyo Ahlusunna, kuna jihaysan doorashada 2020/2021.
Isbaheysiga doorashada 2020/2021-ka ayaa waxa gadaal ka taagan siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo maalmo ka hor Garoowe ka dhoofay, kadib markii uu madaxweyne Deni ku qanciyay in la as’aaso Isbaheysi siyaasadeed oo ku salaysan doorashada soo socota.
Deni ayaa tan iyo doorashadiisa waxaa khilafaad xooggan uu kala dhexeeyaa dowladda federaalka soomaaliya, kaas oo akhirkii kalifay in xil ka xayoobin lagu sameeyo Guddoomiyihii baarlamaanka Puntland oo aad ula dhacsanaa doorka siyaasadeed ee dowladda federaalka ay ku wajaheyso maamul goboleedyada dalka.