Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaliya oo gaaray Magalada Marka
Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhoweed ka soo dagay garoonka Ceel-jaale ee duleedka magaalada marka
Wafdiga oo diyaarad uu UN-ka leeyahay kasoo qaaday degmada Xudur ayaa kusoo degay Garoonka Diyaaradaha Ceel-jaale ee duleedka magaalada Marka,waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose,guddoomiyaha degmada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Intaasi kadib Wafdiga ayaa safar dhinaca dhulka ah waxaa ay kusoo galeen Magalada Marka oo ay ku soo dhaweeyeen Boqolaal dadweyne ah oo Maanta sugayay imaanashaha madaxweeynaha .
Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin,xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka iyo Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Marka ay kula hadlaan fagaaro ku yaalla Xarunta Maamulka degmada Marka.