Madaxwaynihii hore ee Hirshabeele oo ka hadlay xaalada Maamulkaasi
Madaxwaynihii hore Maamulka hirshabeele Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ka hadalay Doorashda Maamulkaasi, oo hada la doortay Xildhibanada Baarlamanka labaad ee hirshabeele.
Cosoble ayaa caado ka dhigtay inuu ka shaqeeyo iska horkeenida beelaha wada dhistay dowlad goboleedka hirshabeelle,waxaana uu dhowr jeer ku taliyay in gobolka hiiraan uu isaga go’o hirshabeelle.
Ali Cabdulaahi Cosoble ayaa u olalaynaya kicin Bulsho,islamarkana doonaya in uu carqaleedo doorashada Maaulkaasi, asagoo doonaya danihiisa gaar ah.
Cosoble ayaa horey ugu fashilmay hoogaminta Maamulkaasi, ayadoo uu hada kawado in uu ku orkacsado shacabka reer hiiraan, islamarkana uu dhagaha shacabka ku shubo hadalo lagu kicinayo bulshada.
Cosoble iyo qaar kamid ah siyaasiinta ayaa hadalo noocaan oo kale fursado ku raadiya marka lagaaro doorashooyinka, waxayna ku raadiyaan fursado ay ku abuurikaraan rabsho iyo isqab qabsi siyaadeed, taasi oo lagu doonayo in dhaliil loogu yeelo Madaxda talada haysa.
Hadalka cosoble ayaa u muuqda mid uu ku kicinayo bulshada reer hiiran asagoo raadinaya in uu saamayn ku yeesho doorashada Madaxwayne ee Maamulkaas