Madaxwayne ku xigeenka Jubaalnd oo ka hadlay xalaada Maamulkaasi
Madax wayne ku xigeenka Maamulka Jubaland ayaa ka hadlay xaalada Gobalka Gado iyo sababaha ay u soo Magacabi la yihiin Gudiga Doorshada Soomaaliya ee Heer Dowlad Gobaleed.
Maxmuud Siyd Adaan ayaa Dowlada Soomaaliya ku eedyey in Ciidamada Xooga Dalka ee ka howl gala Gabalka Gado, aysan ku joogin si sharci ah, islamrkana ku baaqay in Maamulka Axmed Madoobe uu dib u qabsan doono.
Madaxwayne ku xigeenka Maamulkaasi ayaa intaasi ku daray in doorashada lagu Qabanayo Magalada Garbahaarey, xildhibanada ka soo baxaya aysan aqoosan doonin, aygoo ku doodaya in dhamaan maamulkaasi gacanta loo soo gasho si ay iygu u maamulaan Xildhibanada Barlamanka 11 ee Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Axmed Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa lagu Dooran si sharci ah, islamarkana si xoog ah ku matalaya shacabka ku dhaqan Kismaayo iyo Afmadow.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo jeediyey in Xildhibanada Baarlamanka Soomaaliya Ee Gobalkaasi lagu doorto dhaamaan Magalada Kismaayo, ayadoo qaar kamid ah Siyaasinta kasoo jeeda maamulkaasi aysan tagin karin Magaladaas, sababa laxiira Amaankooda.
Shalay ayey ahyd markii Maamulka Axmed Madoobe lagu eedeyey in uu ka amar qaato xukumada Uhuura Kenyatta, ayadoo Dowlada Soomaaliya ay ku eedaysay in Kenya ay Gacanta ku hayso Maamulkaasi.
Sidoo kale waxaa xusid Mudan In Maxamuud Sayid Adaan uu san ka hadlin dhibtada lagu haayo shacabka uu ku matalayo Maamulka Jubaaland, kuwaasi oo tacdiyo ka baxsan bili aadinimada u gaystaan Ciidamda Kenya ee ku ilaaliyana Magaalada Kismaayo