Madaxwayne Farmaajo oo Shir ka dhacaya Magalada Muqdisho ku Casuumay Dowladad Gobaleedyada Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay ka soo qeyb galaan shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka arrimaha doorashooyinka iyo amniga.
Shirkan oo dhici doona 10-ka bishan waxaa lagu dhammeystiri doonaa hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3 oo ay ka soo baxeen qodobo lagu qeexayey hanaanka doorasho ee dalku wajahayo, sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Qaranka.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa haatan ku sugan Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay madaxweynayaasha Hirshabeelle, Galmudug iyo koofur Galbeed ay iyaguna caasimadda soo gaaraan, si ay uga qaybgalaan shirkan muhiimka ah. Doorashada dalka ka dhici doonto sanadka soo socda ee 2021 ayaa waxaa dood adag ka yeehay qaar ka mida madaxda dowlad goboleedyada, gobolka banaadir iyo dowladda fedaralka kuwaas oo go’aan lagu mideysan yahay ka soo saray shirkii samareeb “3” oo lagu go’aamiyey in dalka ay ka dhacdo nidaamka deegaan doorashada ku saleysan, shirkan muqdisho