Madaxwayne Farmaajo oo Saxiixay Heshiiskii Doraashada, kaasi oo ay horey uwada gaareen Dowlada faderaaka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Faderaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooda kaas oo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay si wadajir ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 26-kii Sebteembar ee sanadkaan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saxiixa heshiiskan uu caddeyn buuxda u yahay sida ay uga go’an tahay Maamulka uu hoggaamiyo sii ambaqadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo qabsoomidda doorasho saldhigeedu yahay Heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen Madaxda Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed 17-kii Sebteemar ee sanadkaan.
“Waxaan dalka u jihaynay doorasho, Laga soo bilaabo 1-dii Bishii Oktoobar ee sanadkan oo aan la saxiixanay Madaxda Dowladda Goboleedyada dalka Heshiiskii Habraacyada doorashooyinka, waxaan qaadnay tallaabooyinka Heer Federaal ee ku aaddan qabsoomidda doorashada iyo dhaqan gelinta dhammaan qodobbada ku jira Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Baarlamaanka Federaalka.
Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa faray Xukumada dardargalinta doorkeeda ku aadan fududaynta qabsoosimada Doorasho waqtigeeda ku dhacda, islamarkana ka turjumaysa heshiiskii ay gareen Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Feradealka.
Dhanaka kale Mucaaradka Dowladada ayaa ka walacsan Doorashada la filaayo in ay dhacdo Horaanta Sanada 2021da, ayagoo Dowlada ku eedaynayey Mudo kordhin, taasi oo ay ku kicinayeen Bulshada.
Madaxda talada Haysa ayaa dalka u jahaysay Doorasho, kadib markii uu saxiixay Madaxwayane Farmaajo heshiisyadii ay wadagaleen dowlada daderaalka Soomaaliya, Maamul Gobaleedyada iyo Gabalka Banaadir