Madaxwayne Farmaajo oo maanta hortagi doona Baarlamanka Soomaliya
Madaxweynaha jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ayaa lagu wadaa in maanta uu hadal ka jeediyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo maanta loo Mudaysan yahay meel marinta heshiisyadii ay dhawaan gaareen Madaxdii ka qaybgashay shirkii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Madaxwayne Farmaajo ayaa la filayaa in uu xildhibaanadda u jeedin doono khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, iyo guulaha laga gaaray horumarka,dhaqaalaha Amniga, iyo geedi socodka Dooroshooyinka Dalka.
Dhanka kale kulanka ayaa lagu wadaa in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisul Wasaaraha magacaban ee Maxamed Axmed Rooble oo dhawaan uu madaxweyne u magacaabay Xilkaas.
Maxamed Axmed Rooble ayaa xilka Reysaal Wasaaraha, waxaa 18kii bishaan u magacaabay Madaxwayne Farmaajo, iydoo ansixinta ka dib Roble laga sugaayo soo magacaabista Golihiisa wasiiradda.
Haddii uu codka kalsoonida helo Ra’iisul wasaaraha Cusub ayaa looga fadhiyaa dardargalinta qodobadii lagu heshiiyey.
kulanka maanta ayaa lagu wadaa in Codka kalsoonida la siiyo Ra’iisull Wasaaraha magacaaban ee Rooble, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay kulamo gaar-gaar ah la qaadanayey xildhibaanada, si uu u helo Codka kalsoonida