Madaxwayne Farmaajo oo gaaray Magalada Dhuusa mareeb, xili ay ka maqan yihiin Siciid Cabdulaahi Dani iyo Axmed Maxamed Islaam kuwaasi oo Safaro kugu kala maqan Jabuuti iyo Kenya
Maxwaynaha Jamuuriyada Fedaraalka Soomaliya mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.
Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Madawaynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye QoorQoor, Madaxwaynaha koonfur Galbeed Cabdi casiis xasan maxamed lafta gareen iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada.
Waxaa Magaalada Dhuusamareeb lagu wadaa in maalmaha soo soocda uu ka furmo shirka Maamul Gobaleedyada iyo dowlada dhexe,halkaasi oo laga soo saari doona qodobo la isku waafaqsan yahay.
Shiraakn ayaa ku saabsan dhamaystirka wada tashiga hanaanka geedi socodka siyaasada, Amniga, iyo dhaqaalaha dalka, iyadoo madaxda ay ka arinsanayaa qodobo muhiim ah oo ay ugu horeeyso qabsoomida doorasho la isla wada ogilyahay sidii ay dalka kaga dhici lahayd.
Sidoo kle waxaa halkaasi ku sugan Madaxwaynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare oo gaaray saacadihii lasoo dhaafay.
Hasa yeeshee waxaa Magaalada Dhuusa mareeb ee Xarunta Galmudug aan soo gaarin madaxda Dowlad Gobaleedyada Jubaaland iyo butlaand,kuwaasi oo safaro dibada ugu kala maqan Kenya iyo Jabuuti.
Balse manata ayaa la filayaa in uu gaaro Madaxwaynha Maamulka Putlaand Siciid Cabdulaahi Dani oo safar ugu maqnaa Dalka Jabuuti.
dhanka kale Madaxwaynha Kumeel gaar ah ee Jublaand Axmed Maxamed Islaam ayaa laga ogayn in uu ka qaybgalayo shirka lagu wado in uu ka furmo Dhhusa mareeb, ayadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan safarkiisa Neeroobi ee Caasimada Dalka Kenya, warar ayaa shegya in Axmed Madoobe uu qaliin dhanka sinta ah uu ku galay mid kamid ah Isbitaalada ku yaala Caasimada Kenya.
Hasa yeshee Madaxwaynaha Farmaajo ayaa inta uu kusugan yahy Magalada Dhuusamareeb waxuu kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Bulsbada qaybaheeda kala duwan