Madaxwaynayaasha Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed oo soo gaaray shalay gallinkii dambe Magalada Muqdisho, ayadoo loo madalsanyahy in shir uu ka furmo Caasimada.

Madaxwaynayaasha Galmudug Hirshabeele, iyo Koonfur galbeed ayaa shalay galinkii dambe soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Sadexdaan Masuul iyo Wafdiga ay hogaaminayeen ayaa waxaa ku soo dhawaeyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdule Cismaan, masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada.
Safarkaan ay ku imaadeen sadexda masuul Muqdisho ayaa lagu wadaa in maalmaha soo soocda uu furmi doono shir u dheexeya Dowlada Soomaaliya, maamul gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.
Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor), Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdi Casiis Xasan Lafta gareen, ayaa kulan ku yeeshay Xarunta ku meel gaar ah ee Baydhabo, ka hor inta aysan imaaan Muqdisho.
Shirkaan ka furmi doona Magaalada Muqdisho ayaa daba Socada sharkii Dhuusamareeb3, kaasi oo ay ka soo saareen warmurtiyeed 19 bishii aynu soo dhaafnay Madaxdii ka qaybgashay shirkaasi. Balse hogaamiyaasha Jubalaand iyo Putlaand ay qaadaceen warmurtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Muumalda Hirshabeel, Galmud, Koonfur Galbeed, Dowlada dhexe Soomaliya iyo Gobalka Banaadir.
Shirkaani ay yeelan doonaan Maamul gobaleedyada iyo Dowalda dhexe ayaa laga soo saari doona warmurtiyeed dhamaystiran kaasi oo lagu go’ aamin doona Nooca Doorasho ee dalka ka dahacaysa, ayadoo xusid mudan dantahy in shirkii Dhuusamareeb3 la isku raacay In deegaan Doorasho wandanka uu aadi doono.
Ugu damabayn Axmed Madoobe iyo Siciid Dani ayaa laga dhagaysan Doona Qodobada qaar oo ay diidan yihiin kuwaasi oo ku jira warmurtiyeed Dhuusamareeb3, ayadoo xusid mudan in gabi ahaantiis ay ka soo horjeesteen, kadibna ay Dalbadeen Beesha Caalamka in ay soo Faragaliso shirka u dhexeeya Dowlada Soomaliya iyo Dowladaha Xubanaka Federaalka