Madaxwaynayaasha Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed oo ku kulmaya Magaalada Baydhabo
Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka Koonfur Galbeed.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo Maxamed Cabdi Waare ayay soo dhawayntooda ka socotaa garoonka diyaaradaha Baydhabo, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin Maxdaxweynaha Koonfur Galbeed, Masuuliyiin kartisan Maamulkaaasi iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.
3- da Masuul ayaa lagu wadaa in ay kulamo ka yeeshaan shirka ka furmi doona magaalada muqdisho kaasi oo u dhexeeya madaxweynga JFS iyo Hoggaamiyayaasha Dowlad goboleedyadda.
Shirkaan ay yeelanayaan saddexdan Maamul Gobaleed, ayaa daba socda warmurtiyeedkii shirki Dhuusamareeb 3 kaasi oo ay ka maqnaayeen labada Maamul ee Puntlaand iyo Jubbaland.
Jubalaan iyo Putaalaand ayaa dalbaday in ay kasoo qayb gaalaan shirkaan lagu wado in uu ka furmo Magaalada Muqdisho, Maamulada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa shuruud ka dhigay in shirka Muqdisho ay kusoo biiraan Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare, si heshiis buuxa oo loo dhan yahay looga gaaro arrimaha doorashada, taasi oo ay aqbashay Dowlada Soomaaliya.
Axmed Madoobe iyo Siciid Dani ayaa marmarsiiyo ka dhigtay in shirkii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug, ay rabeen in ay ka qayb galaan balse ka hor inta aysan tagin laga soo saaray warmurtiyeed, iydoo ay xusid mudan tahay in Axmed Madoobe uu ku maqnaa magaalada nayroobi ee Caasimada Dalaka Kenya, Halka dani uu u safray Dalka Jabuuti.