Madaxwaynaha Maamulka Hirshabele oo shaaciyey in uu xilkaaasi iska casilay
Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay shaaciyey in uu iska casilay xilka Madaxwayne ee Maamulka Hirshabeele.
Madaxwaynaha xilkiisa uu dhaamaday ee Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twiterka ku shaaciyey in si waafaqsan qodobka 52aad ee tastuurka ku meel gaar ah Hirshabeele in uu iska casilay xilkii Madaxwaynaha Hirshabeele.
Waare ayaa sidoo kale soo jeediyey in dib loo dhigo Doorashada Hirshabeele Mudo hal bil ah, aydoo Doorashada faderaalka ay ka harsan tahay wax yar 3bilood.
dhanka kale waxaa xusid mudan in waare uu deganaa Magaalada Muqdisho iskaba daa in uu wax ka qabto horumarka Bulshada hirshabeelle.
Amniga hirshabeelle ayaa faraha ka baxay intuu waare xilka hayay taas oo keentay in qar kamid ah mas’uuliyiinta hirshabeelle ku tagaan Diyaarad inta u dhexeysa balcad iyo jowhar taas oo tilmaameysa amni darrada ka jirta Maamulka hirshabeelle.
Tan iyo Markii uu xilka qabtay Waare, ma jiro mashruuc hirgalay ha ahaado mid waxbarasho ama caafimaad oo uu maamulkii waare ka fuliyay Hirshabeelle.
Hadalka Madaxwanaha xilkiisa uu dhaamaday ayaa ku soo adaya Xili la doortay Maamuka Hirshabeele baarlamaankiisii labadaad oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka iyo guddigii loo xilsaaray oo uu Waare soo magacaabay maamulkooda gacanta ku hayay