Madax waynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo lagula taliyay inuu garab weydiisto Farmaajo
Warbiihinta dalka Kenya ayaa hadal haysa hadalka ka soo baxay Siyaasi lagu Magacaabo John Micheal Mututho, oo horey usoo qabtay xilqaran ayaa Madaxwaynaha Kenya Uhuura Keenyata kula taliyey in Madaxwaynaha Soomaaliya mudane Maxamed cabdulaahi farmaajo uu caawinaad wayiisto, sidii uu guul uga soo hoyinlahaa ladagaalanka Musuq maasuqa.
Muqaal shir jaraa’id ah oo laga dubaay Madaxii hore laanta qaranka ee ladagaalanka tacadiga daroogada Kenya Mututho, ayaa lagu shasciyey Bogga internerka ee wargeeska The Standard,the dialy nation, iyo Baraha Bulshada.
Mututho oo sanadii 2017kii u tartamay xilka madaxda Maamuul Gobaleedka ee Nakuru, ayaa sheegay in Soomaliya Hada ay mudan tahy ku dayasho.
“Soomaliya hada waxay muujisay door hogaamin ah, anngu dhankeena waa uga caawinay xalinta qalalasaha, hada anaga ayaa rabna garab, mudane Madaxwayne talevonka qabso wac walalaaka Madaxwanaha Soomaaliya, u ugolaw inuu imaado, lawareego dadka aan tuhunsanahay, Sidaasna gacan oga gaysto, dardar galinta dacwooda, sababtoo ah xabsiyadii kumeel gaar ahaa way maranyihiin” ayuu yiri Mututho.
Asagoo hadalkiisa sii wata Ayuu sheegay in hada Kenya uu Mus maasuq aad ugu baahayo waxuuna yiri” anaga uma sii dulqaadan karno arinta ku saabsan dadka wax xadaya si ay uga caraysiyaan shacabka.
Dhanka kale waxuu sharaxay in daris wanaga ay ku jirto walaaltinamada.
“Xitaa Soomaaliya waxay leedahay Ciidan, maxaan u aadnaa halkaasi, waxay leedahay ciidanka bada, kuwa cirka, Waa daris wanag un, hadii aan isku filnaan waynay dariska ayaa caawinaad waydiisanaysaa.
Dhanaka kale Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay lagagaalamayso masuq maasuqa, oo ah dhibaatada ugu wayn oo curyaamisa dhaqaalaha iyo hormaka Dalka.
Dhawan ayey ahyd markii Xeer ilaayiha Qaranka Soomaaliya Dr Sulaymaan uu sheegay in lala xisaabtami doono Wasiirada iyo dhamaan Wasaradaha Dowlada, iyo sidoo kale Hay’adaha gaarka loo leeyahay.
Ugu damabayn Maxkamada Gobalka Baanadir ayaa xunkuno kala duwan ku riday Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Soomaaliya kuwasi oo lagu soo eedayey in ay lunsadeen xoolo dadwayne