Madax waynaha jamuuriyada faderaalka somaliya mudane maxamed cabdulaahi farmaajo oo kulan la yeeshay hogaamiyaha jubalaan Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe).
Madax waynaha jamuuriyada faderaalka somaliya mudane Maxamed Cabdulaahi farmaajo iyo madaxwaynaha kumeel gaarka ah Axmed maxamed islaam ayaa kulan ku qaaty xarunta madaxtooyada galmudug ee dhuusa mareeb.
Kulan kani ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo ay yeshaan tan iyo caleema saarkii madaxwayna putlaand siciid dani 26 janaayo 2019kii.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland Mohamed Ahmed Sabriye ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in kulankan ahaa mid ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.
Kulankaan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa waxyaabaha caqabada ku ahaa qabsoomida kulanka Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana la sheegay inay kulamada sii socon doonaan.
Sido kale Waxaa la filayaa in ay shirka wajigiisa labaad qodobo la isku waafaqsanyahy laga soo saaro taasi oo ah in doorasho loo dhan yahy ay dhacdo dalka.