Maamulka muusa biixi oo war kasoo saaray heshiiskii dhawaan lagu gaaray muqdisho
Maamulka gooni uu goosadka ee ka arimiya Hargeysa ayaa war saxafadeed ka soo saaray heshiiskii ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyadda, kaasi oo dhawaan heshiis looga gaaray nooca doorasho ee dalka uu aadayo.
Maamulka Muuse Biixi ee fadhigiisu yahay Hargeysa ee gooni ugoosadka ah, ayaa mudo 30sano ah raadinaya madax banaani ama ictiraaf , kaasi oo wali waxba aan uga soo naasa cadaan, mudadii ay raadinayey aqoonsiga Caalamka.
Maamulka isku magacaabay Soomaali-laan ee gooni ugoosadka ah, oo aan heysan taageerada iyo kalsoonida shacabka gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.
Maamulka uu hada hogaamiyo Muuse Biixi ayaa ku kooban Harheysa iyo Barbara, taasi oo ka dhigan shacabka intiisa badan ee ku dhaqan gobalada kale iyo magaalooyinka ay wali heystaan mabda’a midnimada Soomaali weyn, waxaana kamid ah: Boorame, Laascaanood, Baran, Ceerigaabo, Burco iyo Seylac.
Warsaxafadeed kasoo baxay Maamulka gooni ugoosad ah ee Soomaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay Dowlad Madaxbaan, isla markaana aysan wax shaqo ku lahayn Doorashoyinka Soomaaliya.
Sidoo kale Hogaamiyaha Maamulka Soomali-land ee fadhigiisu yahay Hargeysa ayaa qoraalkiisa ku war-galiyey, Qaramada Middoobay, Midowga Africa, Midowga Yurub iyo guud ahaan Beesha Caalamaka, inaysan ka tirsanayn Soomaaliya.
Warsaxafeedka maamulka Hargeysa ayaa kusoo adaya iyadoo dhawaan heshiis ay ka gaareen dowlada faderaalka Soomaaliya, iyo Dowladaha Xubanaha ka ah nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, waxaana xubaha kumatalaya Dowlada feraalka Maamulka Somaliland Lagu dooran doonaa Magaalada Muqdisho.