Maamulka Jubalaand oo war Cusub ka soo saaray Go,aankoda ku aadan Doorashada Soomaliya

Maamulka Jubalaand ayaa qoraal ka soo saaray Mowqiifkooda ku aadan Doorashada Dalka, islamrkana si cad ku diiday in uu qayb ka noqdo Doorashada horaanta sanada 2021da.

Qaraalka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Maamulka Axmed Madoobe uu wali dalbaanayo in Ciidmada Xooga Dalka laga saaro Gobalka Gado, islamrkana lagu soo wareejo gacan ku haynta Dhamaan Gobalkaasi.

Hogaamiyaha Jubaaland Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay Ciidmada Xooga Dalka in ay yihiin Jabhadu kuwaasi oo si sharci darro ah ku soo galay Gobalkaasi.

Hogaamiyaha Maamulkaasi ayaa ka caga jiidaya, islamarkana maramarsiyo ka dhiganaya in Ciidmada xooga Dalka laga saaro Gobalkaasi, asagoo Doonayo in waqtiga uu ka rido Xukumada hataan talda haysa.

U jeedka Axmed Madoobe ayaa ah in uu hal kaasi ku qabto doorashadii lagu duurtay oo kale, islamarkana raba in xildhibaano uu soo xushay uu ku soo daro Baarlamanka 11aad ee Dowlad Soomaaliya.

Shalay ayey ahayd markii Madaxwayne Farmaajo uu baaq u diray lamabada Maamul ee Jubaaland iyo Putlaand kuwaasi oo soo dirasan xubinihii ku matali lahaa Doorashada Dalka.