Maamulka Hir-Shabeelle oo Hay’adaha Samafalka ku amray in ay isa soo diiwaangeliyaan.
Wasaaradda qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga Ee Maamulka Hirshabeelle ayaa ku amartay Hey’adaha Samafalka ee Ka howlgala Deegaanada Hirshabelle in ay iska soo diiwaan galiyaan Wasaaradda Qorsheynta ugu Dambeyn 31 janaayo 2020.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in sanadkii tegay ee 2019 deegaannada Hir-Shabeelle ay ka dhaceen Arrimo dabiici ah sida fatahaadaha taas aanay jirin wax gurmad buuran oo ka yimid hay adaha ka howl gala deeganada hirshabeele Inkastoo deegaanada maamulka hirshabeele ay ka howl galaan hay,ado badan oo samafal ah ayaa haddana aanay jirin wax qaband buuran oo sidaa u muuqda.